Information på somaliska

Warar ku saabsan meelaynta dugsiga barbaarinta iyo guryaha xilli firaaqaha

Hadda waa inaad isticmaashaa Tieto Edu-app si aad u diiwaangeliso jadwalka carruurta kana soo wargeli maqnaanshaha dugsiga barbaarinta iyo guriga firaaqada. Sidoo kale waad baddali kartaa macluumaadkaaga xiriirka ee barnaamijka. Soo dejiso barnaamijka oo ku gal lambarkaaga aqoonsiga bangigaaga moobiilka.

Akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan waxa cusub.

Taxa

Laga bilaabo 1 Janaayo 2022, hagaajinta xaddiga ugu badan ayaa la adeegsan doonaa iyadoo laxiriirta hagaajinta .Kala xiriir taxan bogga interneetka. External link.

Taxa-ha degmada (Kommunens taxa)

Laga bilaabo 1 Janaayo 2022, taxa cusub ayaa jira, taas oo micnaheedu yahay isku-habeynta tirada boqolleyda. Kala xiriir taxan bogga interneetka. External link.

Diiwaangelinta goobta

Adiga oo heshiis la galaya degmada, waxaad iska diiwaangelin kartaa boos dugsiga barbaarinta iyo hoyga xilliga firaaqada. Guud ahaan xannaanada ama haddii adigu aad tahay waalid shaqo la’aan ah ama aad ku sugantahay fasaxa waalidnimada sidii hore, qawaaniin gaar ah ayaa la raacayaa. Bogga xeerarka. External link.

Jadwalka carruurta

Laga bilaabo Maay 4, 2020,waxaa la adeegsan doonnaa hab cusub oo lagu diiwaangaliyo jadwalka carruurta ee dugsiga xannaanada iyo hoyga firaaqada- Edlevo App. Eeg macluumaadka ku saabsan app-ka. Bogga jadwalka.

Shaqada mas'uulka ama waalidka ayaa xakameysa jadwalka. Haddii aad shaqo tagto kadib shaqo la’aan ama aad ku sugantahay fasaxa waalidka, waa inaad ogeysiisaa maamulaha meeleynta.

Muhiim!

  • Isbeddelada jadwalka ee barnaamijka waa inay dhacaan ugu yaraan 2 maalmood kahor waqtiga cusub ee la bilaabayo in la dabaqo.

  • Maalmahan, meeleyn kasta waa inay lahaataa jadwal. Shaqaaluhu waxay u baahan yihiin jadwal shaqo si ay u qorsheeyaan howlahooda. Haddii aad tahay shaqaale saacado ku shaqeya oo aad u baahan tahay inaad si ku meel gaadh ah waqtiga u sii dhejiso ogeysiis gaaban, u sheeg shaqaalaha, ama gasho barnaamijka oo waqtiga hagaajiso.

  • Suurtagal ma aha in la diiwaangaliyo jadwalka carruurta iyada oo loo marayo "Boggeyga ku yaal dugsiga barbaarinta iyo hoyga firaaqada".”.

Ogeysiinta maqnaansha dugsiga barbaarinta iyo hoyga firaqaada

Laga bilaabo Maay 4, 2020, hab cusub oo loogu wargalinaayo maqnaanshaha dugsiga barbaarinta iyo hoyga firaaqada - Tieto Edu App. Eeg macluumaadka ku saabsan app-ka.Bogga ogeysiinta maqnaanshaha. External link.
Xusuusnow inaad sidoo kale ka wargeliso maqnaanshaha dugsiga ee carruurta firaaqada.

Hubi macluumaadkaaga

Laga bilaabo Maay 4, 2020, hab cusub oo loo beddelo macluumaadka ayaa la adeegsanayaa - Edlevo App.
Eeg macluumaadka ku saabsan app-ka. Beddelka bogga macluumaadka.

Qaansheegta (Fakturan)

Saacado dheeri ah lagu ma sheegin qaansheegta(fakturan) markii aad iska qorto goob. Waad ku arki kartaa waqtiga cunuggaagu kujiro barnaamijka – Edlevo app.

Kontakta oss

Social- och utbildningsförvaltningen
social.utbildning@ludvika.se
0240-860 00

Sidan uppdaterades: